Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cali Khaliif “Wasiirradii hore baarlamaanka ma ansixinayo”

Cali Khaliif Galayr oo mar Ra’isulwasaare ka soo noqday Dalka ayaa sheegay in ay aad u yar tahay in Wasiiradii wax ka riday Xukuumadii saacid ay barlamaanka ka helaan codka kalsoonida hadii , markale la soo magacaabo.
Galayr waxa uu sheegay in Barlamaanka uu ka dhax jiro guux ku aadan qaabka kalsooni helida wasiiradii hore ee Xukuumadii Saacid ee kalsoonida Barlamaanka waysay.
Galeyr waxa uu sheegay in wasiirradii ku lugta lahaa in ay dhacdo xukuumaddii ay ka tirsanaayeen ee Shirdoon uu ku wargaliyay inaysan rajo ka qabin in ay mar kale dib u soo laabtaan.
“Nimankaas dib u soo laabashadooda runtii mugdi ayaa ku jira, waxaana jira guux baarlamaanka ka dhex jira oo ku aadan sidii ay kalsoonida kaga heli lahaayeen” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr
Hadsalkan ayaa noqonaya mid cabsi ku beera qaar kamid ah wasiirradii xukuumaddii Shirdoon Saacid oo la aaminsan yahay inay soo laabanayaan horayna uga walwalsanaa in xildhibaannada ay codka ka helayaan.

You must be logged in to post a comment Login