Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cali Maxamed Waran-cadde waxa aan leeyahay hadalka aad ku tidhi Marxuum Axmed Cabdi Godane daalin ayuu ahaa …. “: Baashe Cabdi Godane

Viagra Super Active buy online, clomid reviews.

Mujaahid Baashe Cabdi Godane, ayaa ku tilmaamay geerida wallaalkii oo ahaa hogaamiyaha kooxda Al-shabaab Axmed Cabdi Godane inuu ahaa geesi u shihiiday diintiisa iyo dhaqankiisa suuban ee islaanimada ah, kadib markii Marxuum Sheekh Axmed Cabdi Godane oo Isniintii toddobaadkii aynu soo dhaafnay Maraykanku ku dilay duqayn cirka oo ay ugu gaysteen deegaanka Baraawe, sidaa wuxuu ku sheegay mar uu shalay Wariye Asparo oo ka tirsan Hadhwanaagnews ugu waramayay magaalada Hargeysa, wuxuu sheegay in dhawaaqii ka soo yeedhay Wasiirka arrimaha gudaha Cali Waran-cadde uu ahaa mid gardaro ah iyo dambi uu ka galay caalum Islaam. “Axmed Cabdi Aw Muxumed waxa uu ahaa geesi u dhashay ummadda Islaamka, waxa uu u dhintay diintiisa ILLaahay, agtiisana sharaf ayuu ka leeyahay, laakiin waxa hoog leh Ninka u adeegaya Gaal, ninka u adeegaya wax yeelada diintiisa, ninka u adeega wax yeelada dadkiisa, ninka ku farxaaya dhimmashada dadkiisa. Ninkaasi ayaa hoog leh camalkiisa iyo tacabkiisuna khasaare ku sugan yihiin,”ayuu yidhi Baashe Cabdi Godane.
Waxa Baashe intaa ku daray oo uu yidhi, “Cali Maxamed Waran-cadde waxa aan leeyahay hadalka aad ku tidhi Marxuumku daalin ayuu ahaa oo Daalinka waa Xaq in la dilaa, waxa aad ogataa inaad Caalamul Islaam aad godobtaa ka gashay oo ay kuu hayaan. Qoys ahaan hadaanu nahay waxaanu u aragnaa erayga aad Walaalkay ku sifaysay inuu godob dushaada saaran yahay oo aan kaa hadhi doonin.”

 

download

You must be logged in to post a comment Login