Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Carwadii Taleex oo laga cabsi qabo in dhiig ku daato

Sida ay inoo sheegeen ilo xog ogaal ah Maamulka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa qorsheynaya inuu ka barakaciyo dadka deggan Carwadii hore ee Qaranka (TALEEX) taasi oo fududaan doonin.

Gudoomiyaha degmada Hodan Cabdi Maxamed Dhabaney ayaa sheegay inuu dhawaan ka rari doono shacabka deggan carwada taleex isagoo tibaaxay inay xoog u adeegsan doonaan cid walbo oo amarkooda ka hortimaada.

Cabdi Warsame Dhabaneey ayaa sheegay in dhowr arimood ay usababeeynayaan ka rarista shacabka deggan carwadii Taleex isagoo sheegay in amni darada dadka ka fuliya muqdisho ay qaarkood kasoo baxaan sida uu ku eedeeyey.

Qaar ka mid ah Shacabka deggan Carwada Taleex ayaa ku hanjabay inay dagaalami doonaan hadii la isku dayo inay ka barakacaan taasi oo laga baqdin qabo hadii ay dhacdo is fahmi waa in dhiig kudaato.

You must be logged in to post a comment Login