Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Amison & Kuwa Nabad sugida Soomaaliya oo xaaluf ba an ku haayaan Macalimiinta dusiyada quraanka ka dhigo Muqdisho

Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay Xaafadada Xamar Jadiid ee Degmada Warta Nabadda ee gobalka Banaadir waxa ay ka fuliyeen Howl galo ugu danbeyn lagu soo qab qabtay labaatan ruux oo macalimiin Duqsi Qur’aan u badan.

Intii howl-galku socday ayaa Wadooyinka Xaafadahaasi lagu arkayay Taangiyada iyo Gawaarida kale ee Ciidanka ee inta badan Isticmaalaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabad Sugida ,waxaana dhinaca hawada ka taageerayay Diyaarad Nuuca Helicobter-ka .

Saraakiisha hor ka cayay howl-galka ayaa waxa ay sheegen in dhamaan qolyaha la soo qabtay la’aaminsanyahay in ay xariir dhaw laleyihiin Xarakada al Shabaab baaritaan dheerna mari doonaan.

Howlgalkan ayaana Noqonaya kii ugu Balaarnaa ee laga sameeyo Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho, madama ay diyaarado qeyb kayihiin howl-galka, hasa yeeshee hadana waxa uu ahaa kii ugu yaabka badnaa ee lafuliyo maadama lagu begsaday macalimiintii Dugsi Qur’aanka.

You must be logged in to post a comment Login