Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Amison oo gaari dardarsiyay mid kamid ah saraakiisha dowlada Somaliya

Gawaari ay lahaayeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xalay abaaro Maqribkii waxa ee gawaarida ee wateen jiirsiiyeen Mid kamid ah Saraakiiisha Ciidanaka Dowlada Soomaaliya oo kusugnaa halka loo yaqaan Carbiska ee Duleedka Degmada Aggooye.

Sargaalkan ayaana mar dambe u geeriyooday Dhaawac halis ahaa oo kasoo gaaray Gawaarida ee AMISOM marsiiyeen waxaana lagu Magacaabi jiray C/salaan Sheekh Maxamuud Hilowle waxa uuna katirsanaa guutada Sadaxaad ee Ciidanka Xooga Soomaaliyeed .

Dad goob joogyaaal ah ayaa ku waramay Falkan markii uu dhacay in Ciidamada AMISOM ee gaariga Jiirsiiyay Sargaalkan Soomaaliyeeed eesan u hakan socodkoodiina horey usii wateen taa ay aad uga caroodeen dadkii ka agdhawaa halka uu shilku ka dhacay.

Ma ahan markii ugu horeeyay ee Ciidamada AMISOM gaari ee jiirsiiyaan dad Shacab ah iyo Askar katirsan Ciidanka Dowlada iyadoona Marar hore ee dhacady in Ciidamada AMISOM gawaarida ee wataan si bareer ah dad Shacab ah ugu dileen qaarkood xili ee Salaad wadada dhinaceeda ku dukanayeen.

You must be logged in to post a comment Login