Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada booliska dowlada Soomaaliya oo si rasmi ah ula wareegay saldhiga dhexe ee Caabud-Waaq

Magaalada Caabud-Waaq ee gobolka Galgaduud ayaa soo raacday wadadii dowladnimada kadib markii lagu dhex arkay ciidamo ku labisan dharka ciidamada booliska.
Saldhiga dhexe ee degmadaas ayaa waxaa lagu wareejiyay ciidamada booliska si ay amaanka usugaan, magaaladana ugu soo celiyaan hanaankii dowladnimo.
Taliye ku xugeenka Saldhiga Booliiska ee degmadaasi Maxamed Daahir ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Saldhiga Caabud-Waaq uu soo galo gacanta dowlada.
“Waa wax ka badan 20 sano kadib in saldhiga Caabud-Waaq lagu dhex arkayo ciidamo boolis ah waana arin aad inoo farxad gelinaysa”ayuu sheegay Sargaalkan uhadlay booliska Caabud-Waaq.
Dhawaan ayaa Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr Saacid waxaa uu booqday magaalada Caabud-Waaq iyo qeybo kale oo gobolka Gedo katirsan isagoo maamulo usoo sameeyay deegaanadaas.

You must be logged in to post a comment Login