Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada DFS iyo Itoobiya oo kaabiga ku haya Baardheere

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Ururka Ahlu Sunna Waljameeca iyo kuwa Itoobiya ay Saakay u jiheesteen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Abaanduulaha Ciidamada Ururka Ahlu Sunna Cismaan Sheekh Cabdi Qorax ayaa shaaca ka qaaday in ay kaaboga ku hayaan Magaalada Baardheere sida uu hadalka u dhigay islamarkaana ay gacanta Dowladda soo gelin doonaan Magaaladaasi.

Isagoo sii hadalaya Abaanduule Qorax ayaa waxuu tilmaamay in Al Shabaab saacadaha soo aadan laga saari doono Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo waxuuna intaasi ku daray in howlgalkan uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee lagula wareegyo Degmada Baardheere.

Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa gacanta ku haya Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab iyadoona la shaaciyay in Shabaabku ay ku xoogan yihiin Degmadaasi balse waxaa isweydiin mudan “ maanta Al Shabaab malaga saari doonaan Magaalada Baardheere”

Gobolada Dalka Soomaaliya ayaa ka bilaawday Howlgallo ka dhan ah Al Shabaab oo loogu magacdaray “unity operations” islamarkaana ay si wadajir ah u fulinyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

You must be logged in to post a comment Login