Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada DFS oo la wareegay deegano Al-shabaab ka arriminjirtay

Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia oo garabsanaaya kuwa AMISOM ayaa la sheegayaa inay si rasmi ah Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ugala wareegeen Deegaano dhowr ah oo hoostagta Gobolka Galgaduud.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee degmada Ceel-buur Maxamed Kaariye Carraale oo la hadlay Warbaahinta ayaa daboolka ka qaaday in Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku dhigeen Deegaanadaasi oo ay horay uga arimin jireen Maleeshiyada Alshabaab.

Maxamed Kaariye Carraale waxa uu sheegay in Maleeshiyada ay kala wareegeen Deegaanada Darri, Ulajaraad, Ceel -Shiil iyo Laamo-Dhaayeed oo gabi ahaanba hoos taga degmada Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud.

Waxa uu sidoo kale, Tilmaamay in Ujeedkooda ugu weyn uu ahaa inay halkaasi ka dhaliyaan Ammaan lagu nagaado, islamarkaana ay xalaal u noqoto Dowlada Federaalka Somalia.

Dhanka kale, Maxamed Kaariye Carraale waxa uu sheegay in halkaasi ay kula wareegeen si nabadgalyo ah, islamarkaana aysan kala kulmin wax iska cabin, waxa uuna carabka ku dhuftay in gabi ahaan Goobahaasi ay iminka ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom. Sildalis no rx, order clomid.

You must be logged in to post a comment Login