Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Dolwlada iyo kuwa AMISOM oo ku wajahan Kunturwaarey…..

Apr 22, 2014
Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay xoojiyaan dagaalka looga soo horjeedo Ururka Al Shabaab.

Genaral Daahir aadan cilmi “Indha-qaerhe” ayaa sheegay in Ciimadama Dowlada iyo Amisom ay ku wajahanyihiin Degmada Kunturwaarey ee Gobolka Sh/hoose.

Indha qarshe ayaa sido kale sheegay in ciidamada huwanta ay Al Shabab kala wareeri doonaan Degmooyinka weli gacantooda ku jira ee Gobolka Shabellada hoose.

Taliyaha ayaa intaa raaciyay in Ciidamada ay tagi doonaan Degmooyinka ay weli joogaan Shababku ee ku yaala Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, sida Jalalaqsi iyo Aadan Yabaal. ayna ku guda jiraan qaabkii lagu xureen lahaa.

Hadalkan ayuu Taliye Daahir Indha-qarshe ka sheegay xili uu ka hadlayay shirweyne Qaran oo ka socda Magaalada Muqdisho, kaasi oo looga arinsanayo qaabkii loo sugi lahaa amaanka Dalka.

You must be logged in to post a comment Login