Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo ku dhow degmada Cadale

Ciidamada ammaanka iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay howl-gallo ka bilaabay degaannada xeebta ah ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waddada xeebta ah ee isku xirta degmooyinka Warsheekh iyo Cadale ayay ciidamadu ku dhaqaaqeen saakay, ayagoo kaabbiga ku haya degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wariye Xasan Yuusuf Cali oo ka tirsan Radio Muqdisho oo la socda ciidamada ayaa ku warramaya in degmada Cadale ay wax ka yar 15km ay u jirto goobta uu ku sugan yahay sida ay u xaqiijiyeen saraakiisha ciidamadu.

Generaal Qaafoow oo ka mid ah saraakiisha ku sugan furumaha ayaa sheegay in ciidamada is-kaashanaya ay dhawaan la wareegi doonaan degmada Cadale.

Howl-galka Badweynta Hindiya ayaa ka soconaya gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, dhawaan ciidamadu waxay la wareegeen degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayagoo ku sii siqaya degmada Baraawe. Sidoo kale qeybta kale ee howl-galka ayaa ka soconaya degaannada xeebta ah ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Readers Comments (0) generic tadalafil, cheap Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login