Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada dowladda oo howlgal ka wada magaalada Muqdisho kadib duqeyntii ay al shabaab u geysteen madaxtooyada

Xaafadaha Baar-Ubax, Xamar-jadiid iyo qeybo kale oo ka mid ah degmada Warta-nabadda ayaa saaka lagu arkay Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliiska Iyo Nabadsugida oo  howlgal wadajir ah ka wada degmadaasi.

Howlgalgalkaani ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii habeen ka hor 10 madfac lagu weeraray Xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa waxa ay qab-qabanayaan dhalinyarada iyaga oo ku feylinaya goob ay ciidanka isugu geynayaan dhalinta sida dadka deegaanka qaarkood ay inoo sheegeen. Ilaa hada waxaa lasoo warinayaa in tiradii ugu badneyd ee waayahan ciidanka ay qabtaan saaka ay ka qabteen xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho oo howlgalka ay ka sameynayaan ciidanka.Shalay ayaa waxaa ciidanka ay soo qabteen dhalinyaro badan oo howlgalka lagu soo xir-xiray iyadoo shalay oo dhan lagu arkaye Xarunta CID horteeda waalidiin badan oo caruurtooda howlgalka uu saameeyay.

You must be logged in to post a comment Login