Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Ethiopia oo Galgaduud ka geystay fal-naxdin leh (Waa maxay?)

-Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee Jooga Gobolka Galgaduud ay halkaasi ku dileen laba ruux.

Wararku waxa ay Tibaaxayaan in Labadaasi ruux ay kamid ahaayen dadka Deegaanka, iyadoona la sheegay in xiligii ay dilayeen labadaasi wiil ay cod dheer ku sheegen inaysan aheyn Alshabaab, balse ay taasi u jaleecin ciidamada rasaasna ooda uga qaadeen.

Mid kamid ah dadka Deegaanka ayaa inoo sheegay in dilka kadib ay Ciidamadu amreen inaan goobta laga qaadi Karin Meydka, waxaana la soo warinayaa in halkaasi uu Meydka labadaasi ruux yiilay dhowr saac.

Labada wiil ayaa waxaa lagu dhuftay min Todobo xabadood, kuwaasi oo ka haleelay madaxa, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dilka labada Ruux, ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid ka danbeeyay kadib dagaal gudaha Ceel-garas ku dhex maray Ciidamada Ethiopia iyo Maleeshiyada Alshabaab, waxa ayna si caro leh rasaas ugu fureen labadaasi dhalinyaro oo wadada maraayay.

Dhanka kale, Saraakiisha Ciidamada Dowlada iyo Maamulka Degmada, ayaan weli ka hadal arrinta dilka waxaana halkaasi ka taagan dacwooyin loo gudbinaayo Saraakiisha Ethiopia wallow aynan ka jawaabin weli. order periactin, buy dapoxetine online.

You must be logged in to post a comment Login