Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Illalada Xeebaha Soomaaliya oo qabtay Markab Daroogo Siday

Markab dagaal oo Austraaliyaan ah ayaa xeebaha Soomaaliya ka qabtay shixnad maandooriyaha herowiinka ah oo lagu qiyaasay in ay suuqyada ka joogto $123 milyan,sida AFP lagu sheegay.

Shixnadda culayskeedu dhammaa 449-ka kiiloogaraam ayaa laga helay saxiimad, ah nooca shiraacan, taasoo uu HMAS Darwin ka qabteen meel 40 “ml” badda u jirta xeebta bari ee Soomaaliya.

Taliyaha markabka Terry Morrison ayaa sheegay in qabashadan ay “il dakhli oo aad u weyn u ahayd shabakadaha xiriirka la leh Al-Qaa’ida,sida Taliban iyo al-Shabaab”.waa siduu hadalka u dhigayee.

Maandooriyaha ayaa lagu soo qariyay 20 Kiish oo kiiba miisaankiisu yahay 20 ilaa 25 kiilogaraam.

HMAS Darwin waxa uu qayb ka yahay Ciidamada Badda ee Wadajirka ah (CMF), taasoo ah isbaheysi ciidamo badeed oo ay qayb ka yihiin 30 dal oo ilaalo ka haya 2.5 milyan oo maayl oo isku wareeg ah oo ah biyaha caalamiga ah.

Waa Markii Todobaad oo gacanta lagu dhigay shixnad maandooriyaha herowiinka oo lagu qabto xeebaha Soomaaliya,waxayna arintaan ku soo aadeysaa Seddex Todobaad ka dib markii Ciidamo Badeed isugu jira Australian iyo Ingiriis si wada jir ah gacanta ugu dhigeen 1,032Kiilogram oo Heroowin ah. buy Female Cialis, order clomid.

You must be logged in to post a comment Login