Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Itoobiya Oo xasuuqay dad ku tukanaayay salaada Jimcaha Masjid Ku Yaal Magaalada B/weyne

Ciidamada Xabashida Itoobiya ee jooga magaalada B/weyne ayaa weerar ku qaaday mid kamida masaajidda ugu waaweyn magaaladaasi.

Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya maanta duhurkii ay rasaas ku fureen masjid Jaamaca Dabaqeynka, goob joogayaal ayaa sheegay in 6 katirsan askarta Itoobiya ay xoog ku galeen masjidka kadibna waxay toogteen qof kamid ahaa jamaacada masjidka.

Wararku waxay sheegayaan in dhaawac halis ah uu gaaray sedax katirsan muslimiinta masjidka ku cibaadeysanaysay mid kamid ahna xaaladiisa caafimaad aad bay u liidataa.

Waxgarad ku sugan B/weyne ayaa sheegay in Itoobiyaanku Masjidka ku dhax dileen Nin lagu magacaabi jiray Cabdi Guute oo xilli kamid ahaan jiray maamulkii Cabdi Fataax Gaal Hoose,Guute wuxuu caan ku ahaa in uu dhaleeceeyo ciidanka Xabashida Itoobiya oo uu ku eedayn jiray in ay sabab u yihiin dib udhaca dhan walba ah ee magaalada ku habsaday tan iyo markii ay ka baxday gacanta Xarakada Al Shabaab.

Magaalada B/weyne oo Bandawga laga qaado 11:00 Barqanimo waxaa maanta ka jiray khal khal markii gudaha magaalada ay socod ku mareen ciidanka Xabashida Itoobiya,Maleeshiyaadka Jabuutiyaanka ee qeybta uga sugan B/weyne ayaa sheedda ka daawanayay xasuuqa ay Xabashidu ku heysay muslimiinta ku cibaadaysanaysay Masjidka dabaqeynka.

Dabayaaqadii sanaddii lasoo dhaafay ayay Itoobiyaanku Kaniisad u bedeleen Masjid jaamaca xarunta gobolka illaa iyo haddana waa Kaniisad ay maalinta axadda cibaado gaaleed ku sameeyaan saraakiisha Itoobiyaanka.

You must be logged in to post a comment Login