Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Jubada Hoose iyo AMISOM oo xagga Jilib u dhaqaaqay

Caverta no rx, acquire clomid. War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Ciidamo isugu jira kuwa Maamulka Jubba iyo AMISOM ay goor dhow u ruqaansadeen Deegaano ay Maleeshiyada Alshabaab uga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamada oo wata in kabadan 9 gaadiidka dagaalka gaar ahaan nooca gaashaman ay wadaan qorsho ay kula wareegayaan Deegaano la Tilmaamay inay dib ugu soo laabteen Maleeshiyaadka Alshabaab.

Mid kamid ah dadka Kismaayo, ayaa inoo xaqiijiyay inuu arkaayay Ciidamo badan oo ka sii baxaayay Kismaayo isla markaana ku wajahan degmooyinka ay Jubbooyinka kaga suganyihiin xarakada Al-shabaab oo ay kamid tahay Jilib.

Abaabulka ciidan ayaa si weyn looga dareemay gudaha iyo bannaanka Kismaayo sida uu inoo xaqiijiyay goobjooge Gobolkaasi ku sugan.

Dhanka kale, Bulshada ku nool degmada Jilib ayaa bilaabay in ay faarujiyaan Deegaankaasi, waxaana la soo sheegayaa inuu hadda bilowday Barakac baaxad weyn kaasi oo ka dhashay dhaqdhaqaaqyada Ciidamada isgarabsanaaya ee goor dhow ka anbabaxay Kismaayo.

Barakaca ayaa sidoo kale, imaaday kadib markii ay diyaardaha dagaalka Kenya duqeyn ka geysteen degmadaas, ma jiro warar sax ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeyntan.

You must be logged in to post a comment Login