Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Kenya loogu baaqay in ay ka soo baxaan somalia

Penegra buy online, acquire dapoxetine. amison-kenya_2Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka CORD Raila Odinga, ayaa ku baaqay in si Deg Deg ah Ciidamada Kenya looga soo saaro Howlgalka Midowga Africa AMISOM ee ka howlgalaya Soomaaliya.

Isagoo la hadlay Kumanaan Qof oo Soomaali ah Xaafadda Eastleigh, ee Magaalada Nairobi, Raila Odinga wuxuu sheegay in Joojigaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya uu halis ku yahay Amniga dalkaasi, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Uhuru Kenyatta in ay dib usoo celiso Ciidamada.

“Dowladda Uhuro waa in ay ka fekertaa Amaanka Dalka Kenya, oo ay Ciidamadeena kasoo saarto Soomaaliya, haddii ay Ciidamadeena sii joogaan Soomaaliya Nabada Kenya Khatar ayay ku jirtaa,” ayuu yiri Odinga.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ku celiceliyay in Ciidamada Kenya laga soo saarayn dalka Soomaaliya, xitaa haddii uu dhamaado Howlgalka AMISOM.

Dhanka kale, Raila Odinga waxa uu ka hadlay Howlgallada Ciidamada Kenya ka fulinayaan Xaafadda Eastleigh, ee lagu xirayo Soomaalida, waxaana uu sheegay in uu aad uga xunyahay Tillabaadasi oo uu ku tilmaamay mid aan Sharciga dalkaasi waafaqsanayn.

Maalintii Khamiista ee Shalay, Soomaalida Xaafadda Eastleigh, ayaa si weyn usoo dhaweeyay Raila Odinga oo dhawaan dalkaasi dib ugu soo laabtay, iyagoo ugu warbixiyay sida ay Ciidamada Kenya ula dhaqmayaan.

Kumanaan Soomaali ah ayaa ku xiran Garoonka Kasaraani & Goobo kale oo ku yaalla Nairobi kuwaasi oo lagu sooo qabtay Howlgal socda tan iyo Bishii Maarso ee lasoo dhaafay, iyadoo Boqolaal kalena dib loogu celiyay Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login