Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada NabadSugida oo Muqdisho ka sameeyay Arrin aan looga baran Ciidamada Dalka

Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ayaa waxa ay Dawo iyo Howlo caafimaad ka bilaaben qeybo kamid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa waxa ay Howlgalo iyo Daweynba ka bilaaben Xaafado ka tirsan Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, waxaana la soo sheegayaa in qooysaska halkaasi ku nool ay u qeybinayeen Dawooyin, halka kuwa liitana ay gargaar gaarsiinayeen.

order sildenafil, order clomid.

Sidoo kale, Ciidamada qaar ayaa waxa ay baaritaano Caafimaad ufidinayeen dadka ku dhaqan Xaafada Suuqa Xoolaha sida dad lagu kalsoon yahay inoo xaqiijiyeen, iyadoona taasi la sheegay inay qeyb ka tahay dadaalada Ciidamada Qaranka ay gargaarka ugu fidinayaan dadka shacabka ee aan awoodin caafimaadkooda.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaani ayaa waxa ay noqoneysaa mid fulinteeda ku cusub dhanka Ciidamada Nabadsugida Qaranka Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login