Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada oo la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud

sildenafil withoutprescription, generic lioresal.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Dirri oo dhanka koonfur Degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud kaddib weerar ay ku qaadeen deegaankaasi, iyagoo ka ceyriyay maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo maanta howlgallo si wada jir ah uga sameeyay gobolka Galgaduud ayaa maanta howlgalkaasi kula wareegay deegaanno ay ka mid yihiin Dirri, Ula-jarad, Ceel-shiid iyo deegaanno kale, waxaana shacabka halkaasi ku nool ay si aad ah u soo dhaweeyeen ciidamadii goobta gaaray.

Afhaneenka ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolka Galgaduud Maxamed Kaariye Caraale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalkii maanta ay si nabad ah kula wareegeen deegaanno hor leh, ayna sii wadayaan howlgallada dib gacanta dowladda loogu soo celinayo deegaannada ay Shabaabku ku suganyihiin.

Sidoo kale ciidamada wadajirka ah ayaa howlgallo ka sameeyay inta u dhexeysa Ceelbuur iyo Dhuusamareeb oo lagu baacsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab, gaar ahaan deegaanka Ceel garas oo ay ciidamadu ka eryeen maleeshiyaad halkaasi dadka ku dhibaateynayay.

You must be logged in to post a comment Login