Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Puntland Oo Dib U Fasaxay Diyaarad Laga Leeyahay Imaaraadka

Ai??Ai??
buy sildenafil, lioresal without prescription.

Boosaaso Ciidamada ammaanka ee Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso xarunta Ganacsiga Puntland ayaa goor dhow dib u fasaxay diyaarad laga leeyahay dalka Imaaaraadka Carabta oo ay Duhurnimadii maanta ku xayireen Garoonkaasi.

Diyaarada oo ay la socdeen saraakiil Imaaraad ah ayaa muddo daqiiqado ah ku xanibneyd Garoonkaasi, kadib markii saraakiishaasi ay diideen in la baaro Boorsooyin ay siteen.

Balse markii dambe Ciidamada Puntland ayaa sii daayay diyaarada oo ku sii jeeday dalka Isu Taga Imaaraadka Carabka.

Saraakiishan ayaa la sheegay in tababaro iyo taakuleyn ay siin jireen Ciidanka Badda Puntland, waxaana maanta ay dib ugu laabteen dalkooda, inkasto illaa iyo hadda aan la ogeyn waxa ka dambeeya bixitaanooda.

Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay masai??i??uuliyiinta Puntland oo ku aadan arrimaha saraakiishaasi maanta dib ugu laabtay dalka Imaaraadka Carabta.

Tan iyo markii Ciidamada ammaanka Garoonka Aadan Cadde ay gacanta ku dhigeen Lacago Malaayiin Dollar ah oo ku socotay Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho, waxaa sii xoogeysanayay khilaafka u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

buy depakote online, buy clomid online. Super Kamagra for sale, order dapoxetine.

You must be logged in to post a comment Login