Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo manta u dabaal degaya 12 April

Maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto Munaasabada xuska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo ku began 12-ka Apriil 54-sanoguuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.
Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga dalka Soomaaliya, ayaa waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo munaasabada, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka xaruntaasi Gaashaandhiga.
Madax ka tirsan Dowladda oo ugu horeeyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan Munaasada ciidanka xooga dalka.
Dhoolatusyo iyo dabaaldagyo kala duwan ayeey ciidanka kusoo bandhigi doonaan Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, halkaasi oo ay ku daawan doonaan saraakiisha ciidanka iyo madaxda dalka.
Inkastoo ciidankena xooga dalka Soomaaliya ay yihiin kuwa aanan haysan qalab badan oo ciidan, hadana waxa ay yihiin ciidan u taagan difaacida dalka Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login