Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamadda Puntland iyo Al-shabaab oo Dagaal xalay ku dhex maray…….

Waxaa Buuraleyda Galgala ka dhacay Dagaal culus oo u dhaxeyey Ciidamo Al-shabaab ah iyo kuwa Daraawiishta Puntland, iyadoona uu dagaalkaasi sababey dhimasho iyo weliba dhaawac.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalkan oo ahaa kii ugu cuslaa mudooyinkan ka dhaca buuraha Galgala, ayaa yimid markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerareen fariisin ay ciidamada Puntland ku lahaayeen halkaas.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isu adeegsadeen hubka cul culus, kaasoo laga maqlayay duleedyada magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shan ka tirsan dagaalyahanada Shabaab ay ku dileen dagaalka, halka saddex kale ay nolosha ku qabteen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo mudooyinkii u dambeeyay waday weeraro ay ku qaadayeen fariisimaha Ciidamada Puntland ku leeyihii Buuraha Galgala iyo duleedyada Boosaaso Caverta for sale, clomid reviews.

You must be logged in to post a comment Login