Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

CIIDAMO BADAN OO LASOO DHOOBAY NAWAAXIGA MADAXTOOYADA SOOMAALIYA

CIIDAMO BADAN OO LASOO DHOOBAY NAWAAXIGA MADAXTOOYADA SOOMAALIYA

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
Ciidamo aad u badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lasoo dhoobay xayndaabka Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ammaanka Magaalada Muqdisho si aad ah loo adkeeyay.

Wadada Maka Al-Mukarama qaybta udhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa taag-taagan ciidamada Milateriga iyo Nabadsugida, iyadoo ay muuqato jawi amni adkeyn ah inuu ka jiro caasimada Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta ammaanka caasimada loo adkeeyay ay tahay diyaargaroowga loogu jiro soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Turkiga oo lagu wado in maalmaha soo socda uu soo gaaro Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Muqdisho uu imaanaayo Madaxweynaha dalka Turkiga, qorshaha amni iyo mida soo dhaweynta ee Madaxweynaha Turkiga ay faah-faahin ka bixin doonto.

Xilliga ay soo booqanayan Muqdisho madax ka tirsan dowladaha caalamka waxaa si weyn loo adkeeyaa ammaanka caasimada Muqdisho oo wadooyinka ayaa la xiraa.

Wadooyinka saaka xiran waxaa sidoo kale kamid ah wadada ka baxda Madaxtooyada ee marta Umburutooriyada ilaa dekada Magaalada Muqdisho, halkaasina uga sii gudubta Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ciidamada ayaa dhalinyarada ku amraayo inay shaatiyada sare u qaadaan, si loo hubiyo qofka wadada maraayo iyo waxa uu wato.

Dadka reer Muqdisho ayaa dhibaatooyin adag ku qaba xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho oo noqday kuwa si joogto ah loo xiro. buy paroxetine, buy dapoxetine.

You must be logged in to post a comment Login