Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamo itoobiyaan ah oo gaaray deegaano ka tirsan Gobalka Sool.

Hargeysa-Sida ay sheegayaan wararka, ciidamo ka tirsan dowlada Itoobiya ayaa la keenay magaalooyinka Saaxdheer iyo Dhumey oo ka tirsan Koofurta Gobalka Sool oo  ay dhawaan  ku dagaalameen labo beeleed oo wada dega deegaanadaasi.

Ciidamada ayaa loo geeyay  in ay ilaaliyaan nabad gelyada labada maleeshiyo ee dagaalamay, sida uu soo sheegayo wariye jooga  magaalada Hargeysa.

Madaxda Soomaaliland  weli kama hadlin ciidamada itoobiya ee tagay Deegaanada ka tirsan Koofurta Gobalka Sool.

Waa markii u horeysay ee Somaliland la keeno ciidamo ka tirsan Itoobiya si ay nabad galyada u ilaaliyaan.

 

You must be logged in to post a comment Login