Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

CIIDAMO KA TIRSAN URURKA AL SHABAAB OO JAB U GEYSTAY CIIDANKA MAAMULKA PUNTLAND

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa maanta dagaal culus waxay Gobolka Bari kula galeen Ciidamada Maamulka Puntland, xilli ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada Puntland.

Silvitra tab for sale, buy Zoloft.

Kolonyada, ayaa loo galay deegaanka Calmadow oo ka tirsan buuraha Galgala ee Gobolka Bari, waxaana la soo sheegayaa in dagaalka ay labada dhinac isu adeegsadeen noocyada kala duwan ee hubka.

Dagaalka oo bilowday saakay, ayaa waxa uu soo gaaray barqanimadii maanta, iyadoo saxmadda dagaalka laga dareemay deegaanada ka baxsan Calmadow, markii Ciidamada Puntland gurmad ka helayn Ciidamada kale ee fariismaha ku leh deegaanada ku dhow dhow Calmadow.

Wararka, ayaa waxay intaasi ku darayaan in dagaalka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo ay adag tahay in la helo ilo madax banaan oo xaqiijinaaya khasaaraha inta uu le’eg yahay.

Sarkaal ka tirsan Puntland, ayaa Warbaahinta deegaanada Puntland u sheegay in dagaalku uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, balse ma sheegin inta uu gaarsiisan yahay.

Warbaahinta afka Shabaabka ku hadasha, ayaa waxay baahisay in Ciidamada Puntland ay ka carareen meydadka afar askari oo ka tirsanaa, dhulkii lagu dagaalamayna ay si buuxdo ugu sugan yihiin Shabaabk.

Dagaalku waxa uu ku soo aadayaa, xilli billo ka hor ay Puntland sheegtay in Shabaabka laga saaray deegaanada buuraha Galgala.

You must be logged in to post a comment Login