Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamo Mareykan ah oo la wareegay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Wararka aan caawa ka heleyno Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in galabta Degmadaasi ay la wareegeen Ciidamo ajaaniib ah oo loo badinayo in ay yihiin Mareykan.
Ciidamadan ajaaniibta ah oo dadka badi tilmaameen in ay Mareykan yihiin ayaa kasoo dagay Markab dagaal oo Xeebta soo istaagay iyagoona xiligaa kadib Ciidamada oo aad u hubeesnaa gudaha u galeen iskuna fadiyeen Degmada Hobyo.

9274_NpAdvHover

Isgaarsiinta Degmada Hobyo ayaa gabi ahaan hawada laga saaray , waxaana la tilmaamay in Ciidamada Mareykanka ay howl galo aan la ogeyn iminka ay kawadaan Degmada Hobyo iyadoona aad u adag tahay in faah faahin dheeraad ah laga helo Degmada Hobyo maadaama Ciidamada ajaaniibta ah ay isgaarsiinta hawada kasaareen.
Ma ahan markii ugu horeesay ay Howlgalo kasameeyaan Ciidamada Mareykanka deegaano kuyaala Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Hobyo waxaana sanad kahor ,Mareykanka howl gal ay halkaasi kasameeyeen ku furteen dad la heesatayaal ah iyagoona dilay tiro Burcad badeed Soomaali ah.

You must be logged in to post a comment Login