Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidanka DF iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Moqokori

3798[[Wararka ka imaanaya deegaanno hoostaga degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ay la wareegeen deegaano degmada Maxaas hoos yimaada.

Deegaanka Moqokori ayaa ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay gudaha u galeen iyadoo ay isaga baxeen ciidamadii Alshabaab eek u sugnaa halkaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in galabta ay deegaanka Moqokori gudaha u galeen dabaabaadka dagaalka iyo beebayaasha ay wataan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee isgarabsanaya.

Alshabaab ayaa bilaa dagaal baneeyay Moqokori oo ay ku sugnaayeen ciidamo fara badan oo ka baxay degmada Maxaas.

Taliyaha ciidanka dowladda ee Moqokori jooga iminka Korneel Saneey ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda deegaanada gobalka Hiiraan.

You must be logged in to post a comment Login