Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidanka Kismaayo oo si arxan darro ah ujir dilay Oday Waayeel ah. May 4, 2014 –

raaskaambooni

Ciidamada Amaanka Maamulka KMG JUBBA ayaa waxay dhawaan ka barakaciyeen shacab deggenaa meelo ku dhaw garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa waxa hadana soo baxaya in ciidanku ay sameeyeen inta dadka ay sal kacinayeen ay dhibaato ugeysteen.

Oday 60 sano jir ah oo diiday in magaciisa la baahiyo ayaa waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii laga raray guryaha ku dhawaa garoonka Kismaayo laakiin is hadal dhaaf dhexmaray isaga iyo ciidanka Maamulka Jubba ay ugu badaleen inay jir dil xoogan ugeystaan.

Ninkaan odayga ah ayaa waxa uu sheegay inay ciidanka ku yiraahdeen baabuur sakxadiisa fuul isagana uu ka biyo diiday arintaasi maadama aysan aheyn nadiif waxaana uu sheegay odaygu inay dhaawacyo muuqda iyo mid qarsoon oo jirka ah ay ciidanka Axmed Madoobe ugeysteen.

Waxa uu lixdan Jirkaasi sheegay inay waayeen meel ay udacwoodaan isagoo tibaaxay in qofkii runta ka hadla la dilayo.

Arintaan ayaa qayb ka ah Dhibaatada Raaskaambooni ay ka wado Kismaayo iyadoona shacabka Reer Kismaayo ay noqdeen Cidna uma maqna ceelna uma qodna, Halka maamulka Jubba oo uusan ka hadlin arintaasi waxaase marqaati ma doonto ah in gar darro cad loo laylanayo Shacabka masaakiinta ah ee Kismaayo Kunool. order Kamagra Chewable online cheap, zithromax reviews.

You must be logged in to post a comment Login