Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidanka XDS oo la wareegay deegaanno ka tirsan G/Galgaduud

Ciidanka XDS iyo kuwa nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maleeshiyadka Al-Shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Afhayeenka ciidamada qalabka sida ee howlgallada ka wada gobolka Galgaduud Maxamed Kaariye oo saaka la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay ciidamadu la wareegeen deegaano iyo tuulooyin hoos tagay degmada Ceelbuur.

Maxamed Kaariye ayaa xusay in ciidamadu aysan dagaal kala kulmin deegaannada ay la wareegeen oo ay isaga carareen maleeshiyadki Alshabaab.

Sarkaalka ayaa tilmaamay in uu howlgalku sii socon doono inta Al-Shabaab laga saarayo deegaannada gobolka Galgaduud. buy clomid online cheap, clomid without prescription.

You must be logged in to post a comment Login