Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidankan Kenya Oo Gacanta Ku Dhigay Intabadan Maleeshiyaadkii DF-ka Ee Jubbada Hoose.

Korneel Axmed Cabdi oo kamid ah saraakiisha Dowladda ee laga saaray Kismaayo ayaa ka hadlay xaalada ay ku suganyihiin Taliskii Ciidamada Dowladda ee Jubbooyinka.

Axmed Cabdi oo uwaramayay Idaacadda Islaamiga ah Alfurqaan ayaa sheegay inay kala firxadeen Ciidamadii ku howlgalayay Magaca Dowladda islamarkaana Kenya ay burburisay Taliskii Ciidamada Dowladda ee Jubbooyinka.

Axmed Cabdi ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay xiligaan maxaabiis ahaan uhayaan 370 Askari oo hub ka dhigis ay ku sameeyeen.

Wuxuu sheegay ciidamadaasi inay saddex xero la kala geeyay xiligii laga soo qabanayay Kismaayo laakin Haatan Ciidamada Kenya Hal goob isagu keeneen iyagoo qoryihii iyo guwaarida dagaalkana ka qaaday.

Dowladda Federaalka madaxda uyahay Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyay inay ka gaabisay sidii ay ucadeyn lahayd mowqifkeeda ku aadan ciidamada Kenyaatigu maxaabiis uhaystaan iyo kuwa Kenya ay ku leyday Kismaayo.

You must be logged in to post a comment Login