Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidmada Dowlada Somaliya & Kuwa Ethiopia oo la wareegay magaalada Ufurow ee gobolka Bay

Ciidamada Dowlada Somaaliya oo ay wehlinayaan ciidamada Ethiopia ayaa maanta si nabadgalyo ah kula wareegay Degmada Ufurow oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Bay.
Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo degaankaas gacanta ku hayaya sanadihii la soo dhaafay ay saacado ka hor intii aysan gaarin ciidamada huwanta ka baxay degmadaas.
Degmada Ufuroow oo dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Baydhabo ayaa waxaa muddo afar sano ka badan ka talinasay Al-shabaab, iyadoo tani ay imaanayso iyadoo maalmo ka hor lagala wareegay Al-shababa Degmada Buurhakaba oo dhinaca Muqdisho kasoo xigta Baydhabo.
Xoogagii Al-shabaab ee ka baxay degmadaas ayaa waxaa la sheegay inay aadeen dhinaca Degmada Diinsoor oo ah midda keliya ee gacantooda ku hartay.

You must be logged in to post a comment Login