Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cisbitalka guud ee magaalada Beydhabo oo la gaarsiiyay Dawo iyo qalab caafimaad

Maamulka Gobolka Baay ayaa deeq isugu jirta Dawo iyo qalab Caafimaad Gaarsiiyay Cusbitaalka Guud ee magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosoow ayaa deeqdan oo isugu jirtay Dawo, Sariiro, Baaskiilada loogu talagalay curyaamiinta iyo qalabkale oo Caafimaad gaarsiiyay cisbitalka guud ee magaalada Beydhabo.

Deeqdan ayaa waxaa soo dhiibtay mid ka mid ah hey’adaha Samafalka ee ka howlgala magaalada Beydhabo, iyadoo deeqdan uu gudoomay Agaasimaha Cisbitalkaasi Cabdalla Guure oo ka mahadceliyay deeqdaasi, isagoo tilmaamay in deeqdani ay tahay mid wax ka tari karta habsami u socodka Adeegyada caafimaad ee cisbitalku u qabto bulshada gobolka.

Cisbitalka guud ee magaalada Beydhabo ayaa ah cisbitalka ugu weyn gobolka Baay, kaas oo adeegyo caafimaad oo waxtar leh u qabta bukaanada kaladuwan ee la soo gaarsiiyo.

You must be logged in to post a comment Login