Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

C/Jiinoow oo si kulul uga hadlay dagaalkii Balcad

Gudoomiyaha ugu magacaaban dawlada Somaliya gobolka Shabellaha dhexe Cabdi Jiinoow Calasoow ayaa waxa uu ka hadlay dagaalkii shalay ciidamada dawlada ku dhexmaray degmada Balcad ee gobolka shabellaha dhexe.

Cabdi Jiinoow ayaa ku eedeeyey inuu dagaalkaasi ka dambeeyey Gudoomiyihii degmada Balcad Cusmaan Xaadoole oo xilka laga qaaday sida uu hadalka udhigay gudoomiye Jiinoow.

Waxa uu si kulul ucambaareyey weerar wado gal ah loo galay ciidan Boolis ah oo kuwajahnaa Jowhar sida uu Cabdi Jiinoow sheegayna ay weerarkaasi qaadeen ciidan ilaalo u ah gudoomiyihii Balcad ee Xilka laga qaaday.

You must be logged in to post a comment Login