Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxay weli ku adkeysanayaan inaanay codka kalsoonida siin doonin Golaha Wasiirada, ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Garab ka mid ah labada garab ee Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee siyaabooyin kala duwan ugu kacsan Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxay galabta kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho, waxayna ku cadeeyeen inaanu waxba iska bedelin mowqifkoodii.

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre, ayaa waxa uu sheegay in koox gaar ah ay isku koobtay awoodii dalka, isla-markaana ay caado ka dhigatay inay markasta bedesho Ra’iisal Wasaare-yaasha, ayna diyaar u yihiin in dhaqankaasi ay meesha ka saaraan.

Xildibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa daaha ka rogay inay ummada Somaliyeed ogeysiinayaan inaanay codka kalsoonida maalinta berrito ah siin doonin Golaha Wasiirada, ee 12-kii bishaan looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Xoosh, ayaa sababta ku sheegay in Xukuumadda Ina C/rashiid ay ku dhisan tahay keli telisnimo, ayna soo abaabuleen 5 ilaa 6 xubnood oo doonaaya inay awood ku maquuniyaan dalka, sida uu yiri.

Xildhibaanad Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa dhankeeda sheegeysa inaan xilligaan loo baahnayn in lagu mashquulo hiigsiga sanadka 2016-ka, laakiin loo baahan yahay in laga shaqeeyo arrimaha horumarinta

Marwo Foosiya waxa kaloo ay sheegtay in Mudane-yaasha Baarlamaanka ay ka go’an tahay inay codkoodu u diidaan Golaha Wasiirada, oo intoodu badan la tilmaamo inay soo xuleen ragga ku dhow dhow Madaxweynaha.

Haddii Ra’iisal Wasaare Sharmaarke aanu Golahiisa Wasiirada codka kalsoonida uga helin Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa suurta gal ah in uu fashilmo, maadaama Baarlamaanka uu fasax gelaaya maalinta Khamiista ah, muddo laba bilood ka dibna dib loo furi doono Xarunta Golaha Shacabka.

buy Apcalis SX online, buy dapoxetine online.