Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Col. Tabane oo ka warbixiyay howlgalka ciidamada ee G/Hiiraan

Taliyaha ciidanka XDS ee gobolka Hiiraan Col. Tabane Axmed ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Col. Tabane ayaa tilmaamay in ciidamada XDS oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ay guulo waaweeyn ka gaareen howlgallada Badweynta Hindiya ee gobolkaasi looga xoreeynayo maleeshiyaadka Al-shabaab.

order doxycycline, order zithromax.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in ciidamadu ay la wareegeen dhamaan degmooyinka gobolka Hiiraan iyo inta badan tuulooyinka hoos yimaada, isagoo xusay iney ciidamadu kusii raad joogaan firxadka maleeshiyaadka argagixisada ah.

Col. Tabane ayaa ku amaanay bulshaweynta ku dhaqan gobolka Hiiraan sida wadaniyadda leh oo ay ula shaqeeyeen ciidamada, wuxuuna tibaaxay inuusan howlgalkani joogsan doonin tan iyo inta taako ka mid ah dhulkeena Soomaaliya ay ku suganyihiin khawaarijta.

You must be logged in to post a comment Login