C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe oo isku baheysanaya qorshe ka careysiin kara DF,waxna u dhimaya qaranimada

Filed under: Wararka |

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa ku mashquulsan sidii ay uga madax banaanaan lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana ku geli lahaayeen Heshiisyada caalamiga ah.

C/wali Gaas,madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in qandaraaska lagu helo magaca Soomaaliya oo Shacabka Puntlandna ay xaq u leeyihiin aanay helin kuna boobma magaalada Muqdisho.

Sidoo kale,Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay ineysan Dowladda dhexe xaq u lahayn iney hor istaagto horumada maamul Goboleedyada kana diido iney galaan heshiisyo cidii ay u arkaan iney ka shaqeyso dantooda.

Khilaaf xooggan ayaa haddan dhex yaala Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah Maamul Gobolleedyada,gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo isku gaashaanbuureysanaya Dowladda,islamarkaana garab ka helaya Dowladda Imaaraadka Carabta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u dheg taageysa shirka ka socda magaalada Baydhabo,kaasi oo maamul Goboleedyada uga hadlayaan xaaladda dalka sida ammaanka iyo xasiloonida dalka.

Posted by on May 14, 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply