Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

C/wali Gaas oo ku faanay inay Shabaab isaga filan yihiin+Shabaab oo Uguuri raba deegaanada Puntland

Madaxweyne-C-wali-Gaas-150x150

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inay udiyaargaroobeen dagaal adag oo ay la galaan dagaalamayaasha Shabaab ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka dagaalama.
C/wali Maxamed Cali gaas, ayaa sheegay in deeganada Maamulka Puntland ay tahay meel nabad ah, Shabaabna sida uu yiri waan isaga filanahay inaan dagaal la galno.
Hogaamiyaha maamulka Puntland wuxuu tilmaamay in ciidamadooda ay diyaar u yihiin la dagaalanka Shabaabka kasoo cararaya Koonfurta Soomaaliya ee deeganada Maamulka Puntland gaaraya.
Rag badan oo Shabaab ayuu qeexay inay gacanta ku dhigeen, kuwaasi oo Koonfurta Soomaaliya ka baxsaday, qaarkoodna lagu qabtay magaalada Gaalkacyo iyo Boosaaso intaba.
Deeganada Maamulka Puntland ayaa waxaa la aaminsan yahay inay gaareen saraakiil badan oo Shabaab ah kuwaasi oo ka tagay deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login