Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Wasaaradda arrimaha gudaha oo kulan la qaadatay hay’adaha samafalka

Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaadatay Hay’adaha Samafalka ee ka howlgalada Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa wadashaqeynta iyo kontaroolka howlaha ay ka hayaan dalka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda hay’adaha samafalka gaar ahaan kuwa ka shaqeeya bixinta raashiinka iyo dib u dajinta.

Markii uu soo gaba gaboobay kulanka ayaa waxaa warbaahinta Qaranka la hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Jaamac Axmed Maxamed waxa uuna sheegay in kulanka u jeedkiisu ay aheyd sidii ay wasaaradda arrimaha gudaha ay u ogaan laheyd halka ay ku baxaan howlaha samafalka oo ay wadaan hay’adaha samafalka.

Mar wax laga weydiiyay wasiir ku xigeenka suurta galnimada in wasaaradda ay soo celin karto xiriirkii ay ku maamuli jirtay wasaaradda hay’adaha samafalka, waxa uuna sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan soo celinta koontaroolka.

You must be logged in to post a comment Login