Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo ciidamo tababar loogu soo xiray Muqdisho (sawirro)

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Soomaaliya ay ka baxday KMG-nimadii waxaa dalka loo soo weeciyay tababarrada Ciidamada lagu siin jiray dalka Uganda,  taa oo ciidamada u fududeysay  in dalkooda hooyo lagu tababaro, waxaa  maanta  Xerada Jaziira 2 tababar xirfad cusbooneysiin ah loogu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.

Tababarka oo ay ka faa’ideysteen 360 askari ayaa waxa uu u socday muddo 3 bilood ah, waxaana tababarkaasi gacan ka geysanayay saraakiil ka socotay midowga Yurub, Kaddib Munaasabad lagu qabtay xerada Jaziira 2 ayaa askartaasi
tababarka soo qaatay waxa lagu guddoonsiiyay shahaadooyin.

Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay tababarkaasi iyo muhiimadda dalka uu u leeyahay ku xigeenka hogaamiyaha qeybta tababarrada midowga Yurub isagoo sheegay in ay u taagan yihiin caawinta ciidamada Qalabka sida si
Soomaaliya dhinac waliba ay isugu filnaato, waxaana tababarkani uu ku micneeyay wada shaqeyn Soomaaliya iyo midowga Yurub ka dhex jirto.

Mid ka mid ah saraakiisha ugu sareysa ciidamada midowga Africa ee Amisom oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in tababarada noocaan oo kale ah ay wax ka badali doonaan xaaladda amni ee dalka, waxaana uu tilmaamay in uu ku faraxsan yahay horumarka Soomaaliya ay gaartay, waxaana ciidamadani uu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan xasilinta dalka.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo soo xiray tababarkaasi ayaa waxa uu ciidamada  kula dar daarmay in waxyaabihii ay soo barteen ay ula noqdaan saaxiibada ay ka wada shaqeeyaan xoreynta iyo
xasilinta dalka.

“waxaad ka mid noqoneysaan ciidamada ka qeyb qaadanaya xoreynta wajiga labaad ee dhawaan bilaabanaya, waxaa la rabaa in aad furtaan wadooyinka qaar ee dalka oo maleeshiyaadka Shabaab ay u diideen in sahayda ganacsi ay marto, waxaa la rabaa in aad la dagaashaan cadowga dalka iyo askari u ekaha ee dadka dhibaateynaya” ayuu yiri Abaanduulaha.

Ugu dambeyntii Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi waxa uu kormeeray xerada Jasiira 1 oo tababar uga socdo ciidamo cusub oo ku soo biiraya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana kormeerkiisa ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka badda iyo difaaca xeebaha  Admiral Madey Nuurey Sheekh Ufurow iyo Generaal Goobaanle oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Xoogga.

IMG_2484 IMG_2490 IMG_2513 IMG_2521 IMG_2527 IMG_2527 (1) IMG_2533 IMG_2586 IMG_2589IMG_2550 clomid without prescription, acquire clomid.

 

You must be logged in to post a comment Login