Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DAAWO: Dabeylo Baraf Wata oo ku Habsaday Gobollada Waqooyi-bari ee USA

Gobollada Waqooyi-bari ee Maraykanka ayaa xaalad deg-deg ah lagu soo rogay kaddib baraf iyo dabeylo qabow xooggan wata oo  sagaal gobol oo ka tirsan dalka Mareykanka ku dhuftay.

Barafkan ayaa la sheegay inuu yahay mid taariikhi ah iyadoo warbaahinta Maraykanka ay si weyn u hadal-hayso; waxaana gebi ahaan la joojiyay isku socodka gaadiidka iyo duuli-maadyada, sidoo kale waxaa la xiray iskuullada, iyadoo la fasaxay dhammaan shaqaalaha, dadkana waxaa lagu amray inay guryahooda joogaan.

In ka badan 30-milyan oo qof ayaa xaaladdan lagu soo rogay, kuwaasoo guryahooda jooga, cabsida ugu weyn oo ay dadkan qabaan ayaa ah in korontada iyo biyuhu go’aan, waxaana heegan la geliyay gawaarida gar-gaarka deg-degga ah iyo ciidamada booliiska si ay ula tacaalaan dhibaatada cabsi xooggan laga qabo.

Hay’adda la socodka cimilada ee Mareykanka ayaa sheegtay in duufaantan barafka wadata ee loo yaqaano Nor’Easter ay keeni doonto baraf badan, duufaan, dabeylo iyo fatahaad dhanka biyaha ah; waxaana cabirka barafka lagu sheegay 25 illaa 30 Inch, isla markaana uu dhulkana ka sari mari doona illaa 90 Centi-meter.

Malegra FXT buy online, lioresal online. DAAWO: Dabeylaha Barafka Wata ee ku dhuftay Gobollada Dalka Mareykanka

Sidoo kale, in ka badan 5000 oo duulimaad ayaa la baajiyay, iyadoo la filayo in garoomada gobolladaas ay dib u howl billaabaan dabayaaqada toddobaadkan lagu jiro.

Goobaha ay mashaqadani ku dhufatay ayaa waxaa ka mid ah; Boston, New York, New Jersey, Springfield, Hartford, Maine, New Hampshire, Manchester iyo Worster; waxana goobahaas deggen qaar ka mid ah Soomaalida dalka Mareykanka ku nool, kuwaasoo uu ka mid yahay Maxamed Cali Jaamici oo ay HOL wax ka weydiinnay sida ay duufaantan u samaysay Soomaalida.

“Aad ayay noo saamaysay arrintan; waxaa hadda ka joognay shaqadeenna, cabsida ugu weyn ee aan qabnana ay tahay inay korontada ama biyaha ka tagaan goobahaas, iyadoo nalagu qasbay inaan guryaha joogno oo aanan la kaxeyn karin gawaarida,” ayuu yiri Jaamici oo HOL la hadlayay.

Ugu dambeyn, in ka badan 50 milyan oo doollar ayaa loo qorsheeyay dib-u-soo-celinta magaalooyinka iyo xaaqitaanka barafka dowladda ayaana taas xil weyn iska saartay; una diyaar garowday. Iyadoo dadka laga wacyi-gelinayo warbaahinta la iska arko.

 

You must be logged in to post a comment Login