Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo dagaal xoogan o galabta ka dhacay xeendhaabka madaxtooyada,,,,,

Intagra buy online, generic lioresal.

Dagaal hubka cul culus leesku adeegsanaayo, ayaa galabta ka soconaaya xeendaabka Magaalada Sanca ee Xarunta Wadanka Yemen, iyadoo dagaalku uu u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Xuutiyiinta.

Dagaalka wuxuu ka dambeeyay markii weerar isku day afgembi ah lagu qaaday Madaxtooyada Yemen, waxayna taasi keentay in Ciidamada Dowladdu ay iska caabin adag kala hortaggaan.

Wasaaradda Warfaafinta Yemen, ayaa waxay sheegtay in dagaalka uu ka dhashay afgembi lagu doonaayay in looga takha-luso Dowladda taagta daran ee Yemen.

Xoogaga Xuutiyiinta, ayaa waxay la wareegeen oo ay qabsadeen Wakaaladda Wararka Yemen ee Saba. Sidoo kalana waxay gudaha u galeen goobihii Warbaahinta Dowladda, oo ay diideen in laga sii daayo wararka ku saabsan Dowladda.

Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa lagu arkayaa wadooyinka ku dhow dhow Madaxtooyada, oo ay ka celinayaan gaadiidka yar yar iyo dadka doonaaya inay maraan, si aynaan ugu soo dhex dhuuma dagaal-yahanada Shiicada.

Warar goor dhow soo baxay, ayaa sheegaaya in dagaalka ay qayb ka yihiin Ciidamada Madaxweynihii hore Yemen Cali Cabdalle Saalax, inkastoo aan la aqoon cidda ay taabacsan yihiin.

Dagaalka ka soconaaya Magaalada Sanca, ayaa waxaa lagu sheegay noociisii ugu xooganaa, tan iyo bishii September oo Xoogaga Xuutiyiinta, ay kula dagaalameen Ciidamada Dowladda.

Labada dhinac, ayaa waxay saacado ka hor ay ku heshiiyeen wada hadalo iyo in Madaxweynaha Yemen Abed Rabbo uu la kulmo wakiilo ka socdo Xuutiyiinta, si ay isula meel dhigaan, murun ka dhashay Dastuurka Yemen loo sameynaayo, oo Xuutiyiintu ay ka biyo diiday.

Daawo Sawirada:

Sancaa Sancaa1 Sancaa2 Sancaa3 Sancaa4 A vehicle from the Presidential Protection Forces travels on a street near the Presidential Palace in Sanaa Houthi fighters take up position on a street during clashes near the Presidential Palace in Sanaa Sancaa7 Mideast Yemen Mideast Yemen Mideast Yemen

You must be logged in to post a comment Login