Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo: gaadiid lagu kala qabsaday, dagaalkii Taleex, dhimasha & dhaawaca, Axmed Gacmoyare oo jooga Saaxdheer (Daawo)

Faahin hordhaca ayaa kasoo baxay dagaal qadhaadh oo qarxay deegaano ku xeeran Saaxdheer Kaasi oo udhaxeeya Maaleeshiyaadka maamulka somaliland & Shacabka deegaanka oo garabsanaya ciidamada maamulka Khaatumo.

Dagaalka ayaa la sheegay In Laba Gaadhi looga qabsaday Maleeshiyaadka somaliland, Sidoo kalana waxaa Jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalka.

Dhinaca ciidamada khaatumo ayaa la sheegay In dhankooda laga qabsaday Hal gaadhi, sidoo kalana dhimashadu tahay laba Ruux oo kuna dhintay dagaalka xoogan ee lala galay maleeshiyaadka Somaliland,

Lama hayo Qasaaraha dhabta ah ee dhimashada Maleeshiyaadkii Somaliland, waxaana Lagu warmayaa inay Jiraan dhimasho iyo dhaawac tiro badan oo gaadhay, waxaana warar hordha sheegayaan Dhimashada 4 ruux.

Afhayeenkii hore ee maamulkii SSC Axmed Maxamed Xasan (Gacmo yare) oo kusugan magaalada Saaxdheer ayaa ka warbixiyey Guulaha laga gaadhay dagaalkii Cuslaa ee galabta iyo Khasaraaha labada dhinac.
cheap dapoxetine, cheap lioresal.

You must be logged in to post a comment Login