Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DAAWO HAWEENEY KA TIRSAN BOOLISKA OO LAGU DILAY MAGAALADA PARIS

Haweeney ka tirsan Saraakiisha Booliska ee Magaalada Paris, ayaa waxaa maanta lagu dilay Koonfurta Paris, iyadoo uu toogtay nin hubeysnaa, oo la xaqiijiyay inuu baxsaday.

Booliska Faransiiska, ayaa markaan baadi-goob ugu jira saddex nin, labadii shalay toogashada ka geysatay Wargeyska Charlie Hebdo iyo midkii maanta toogashada ku dilay haweeneyda.

Booliska, ayaa waxay xabsiga dhigeen toddobo nin oo si dhow loola xiriirinaayo inay xiriir la lee yihiin labadii nin ee weerarka ka geystay Xarunta Charlie Hebdo, kuna dilay 12 ruux, oo u badnaa Suxufiyiin.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran Faransiiska, ayaa xalay u dhacay hoyga mid ka mid ah toddobada nin ee lala xiriirinaayo raggaasi, inkastoo uu ninkaasi kolkii dambe iska soo dhiibay Saldhig uu Boolisku ku lee yahay Paris.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa maanta ku dhawaaqay in dadka reer France ay u tahay maalin ay u baroordiiqayaan, Suxufiyiintii lagu laayay Paris.

Inta badan Calanka Qaranka Faransiiska, ayaa maanta hoos looga dhigay Magaalada Paris, si Qaranku uu u muujiyo sida uu kaga xun yahay weerarka uu dhiigga badani ku daatay, ee ka dhacay Caasimada Faransiiska.

Madaxda Wadamada Reer Galbeedka, ayaa shalay si xoogan u cambaareeyay weerarkaasi.

Parissd Cialis Professional for sale, zithromax reviews. parissd1 parissd2 parissd3 parissd4 parissd5 parissd6 parissd7 parissd8

You must be logged in to post a comment Login