Magaalada New Delhi ee Xarunta India, ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasabad ballaaran, oo ay India ugu dabaal dageyso xilligii madax banaanideeda ay ka qaadatay Boqortooyada Britain.

Munaasabadaan, ayaa waxaa dalka India kala qaybgalay Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Barack Obama, wuxuuna noqonayaa Madaxweynihii ugu horeeyay oo Mareykanka ah, oo India kala qaybgala xuska xoriyadeeda.

Madaxweynaha Mareykanka oo Axadii gaaray Magaalada New Delhi, ayaa waxaa booqashadiisaan ku wehlineysa marwada 1-aad ee dalka Mareykanka Michelle Obama.

India, ayaa Magaalada New Delhi ku soo bandhigtay quwadeeda militari, sidoo kale waxay soo bandhigtay ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka, ee dadka Hindiga ihi ay caanka ku yihiin.

Ra’iisal Wasaaraha India Narenda Modi, ayaa waxay Warbaahinta Caalamka hadalheysaa in sanadkaan uu wax ka bedelay qaabka dabaal degga ee xoriyada dalkaasi.

Daawo Sawirada:

53d8a07c f6107e1ded69705e  buy tadalafil online, buy dapoxetine online. 7d65e0f9 9a34b8fc de5eeeb8 824213c8 e30ccfb6