Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DAAWO MADAXA GOLAHA AMMAANKA EE MIDOWGA AFRIKA OO SI AAN CAADI AHEYN LOOGU SOO DHAWEEYAY MUQDISHO

sildenafil withoutprescription, clomid without prescription.

Waxaa Magaalada Muqdisho Booqasho aan la sii shaacin ku imaaday wefdi uu horkacaayay Madaxa Golaha Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika Ismael Sharji.Wafdiga ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Saraakiil AMISOM iyo Diblumaasiyiin ka tirsanaa Qaramada Midoobay.

Soo dhaweyn kadib ayaa waxa ay Madaxdaasi kulamo kala duwan la qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Xubno ka tirsanaa Golihii hore ee Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa Wafdiga uga mahad celiyay sida wanaagsan oo ay ku ajiibeen Martigalintii ay u direen, waxa uuna Madaxweyanah dalka Masuuliyiintaasi uga warbixiyay Heer dowlada Soomaaliya ay xiligaani ka gaartay Amaanka iyo Hirgalinta Nidaamka Federaaliisimka.

Kulanka kadib ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay General Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud iyo Ismael Sharji, waxayna faah faahin ka bixiyeen waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxweynaa iyo Ismael Sharji.

Wasiirka Gaashandhiga ayaa ku waramaaya in labada dhinac ka wada hadleen arrimo badan, oo ay ugu horeyso ammaanka guud ee dalka iyo Hawlgalka Ciidamada Amisom ka wadaan Somaliya.

Ismael Sharji oo ku hadlaayay luqada Carabiga, ayaa dhinaciisa sheegay inay wax farxad leh u tahay in Madaxweynihii uu ammaan iyo bogaadinba u jeediyo Ciidamadii Midowga Afrika, ee Somaliya ka caawinaaya la dagaalanka Al Shabaab iyo dib u soo celinta xasiloonida.

Mr Sharji, ayaa qeexay in socdaalkiisaan Magaalada Muqdisho uu noqonaayo markii ugu horeysay oo uu soo gaaro dalka Somaliya, laakiin ma noqon doonto buu yiri booqashadeedii ugu dambeysay.







You must be logged in to post a comment Login