Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo Madaxweyne Gaas oo la kulmay Madaxda Hay’adaha ku Sugan deegaanada Puntland

Madaxweynaha Puntland  Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Garowe kula shiray madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howl-gala deegaanada Puntland,iyadoo shirkan uu ahaa mid diiradda lagu saarayay wada shaqaynta labada dhinac.

Hay’adaha shirka  lala yeeshay waxaa kamid ahaa UNHCR ,UNDP ,WFP, WHO iyo qaar kale oo badan ,waxaana shirkan uu imaanayaa ,iyadoo abaaro xoogan laga soo sheegayo qaybo kamid ah deegaanada fog-fog ee laamiga ka baxsan,.

“Waxaa madaxweynahu uu waxqabadkooda ka dhagaystay hay’adaha Qaramada Midoobay ee halkan ka shaqeeya “ayaa lagu yiri war si kooban looga soo saaray shirkan oo socday muddo saacado ah.

“Madaxda hay’adahu waxa ay goobta ka caddeeyeen in aysan jirin wax caqabad ah oo soo food-saartay intii ay ka howl-galayeen Puntland sanadkii la soo dhaafay “ayaa mar kale lagu yiri warkan ka soo baxay madaxtooyada.

Maamulka madaxweyne Cabdi Wali Gaas ayaa hay’adaha ka codsaday in ay baahiyaan waxqabadkooda ,waxaana shirkan uu daba-socdaa mid lagula xisaabtamayay wasaaradaha iyo hay’adaha maxaliga ah ee ka howl-gala gobolka.

Ugu danbayn ,maalmo ka hor waxaa magaalada Garowe lagu soo gaba-gabeeyay shir soconayay hal maalin, kaasi oo diiradda lagu saaray la tacaalidda isbadalka cimilada Soomaliya ,waxaana joogay inta badan hay’adaha taageera dowladda Somaliya iyo maamulka Puntland.

buy periactin, generic lioresal. 2015122635574906296600942IMG_1324 2015122635574905046830650IMG_1353 2015122635574905488363593IMG_1323 2015122635574905890264664IMG_1350 2015122635574906690902169IMG_1301

You must be logged in to post a comment Login