Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/W CCC oo Villa Somalia kula kulmay wufuuda IGAD

Madaxda Dowladda Somaliya, ayaa waxay xaleey Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ay ku qaabileen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Urur Goboleedka IGAD, xilli galabta ay soo gaareen Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo tiro ka mid ah Wasiirada xilalka haaya, ayaa xubnahaan waxay kula kulmeen Villa Somalia.

Madaxweynaha, ayaa kaga mahadceliyay go’aankooda ku aadan inay yimaadaan Magaalada Muqdisho, islamarkaana taasi Dowladda iyo shacbiga Somaliyeedba ay uga dhigan tahay guul taariikhi ah.

Wasiirada IGAD ka socdo, ayaa waxaa la dejiyay Hotel S.Y.L oo ku yaala Madaxtooyada hoosteeda, waana halka la qorsheeyay in berrito uu ka qabsoomo shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD.

Shirkaan kii horeeyay ee IGAD ku yeelato Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu qabtay sanadkii 1985-kii, waana muddo laga jooggo 30 sanadood.

Wasiirada IGAD, ayaa kulankaan diiradda ku saari doono waxa u qabsoomay Dowladda Federalka Somalia, mudadii ay jirtay iyo hawsha kale ee la doonaayo, inay ku qabato mudada 20-ka bilood ah, ee u harsan.

SYL1SYL3SYL4SYL5SYL6SYL7SYL8 tamoxifen citrate, cheap Zoloft. SYL9SYL10

Caasimada Online

You must be logged in to post a comment Login