Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay askar lagu helay dambiyo (VIDEO)

Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa maanta xukunno dil toogasho ah ku ridday laba askari oo ciidamada dowladda ka tirsan, kuwaasoo lagu eedeeyay inay geysteen dil iyo kufsi.

Askarta dilka lagu xukumay ayaa ka kala tirsanaa ciidamada Nabadsugidda Qaranka iyo ciidamada deegaanka degmada Dayniile ayaa waxay kufsi iyo dil u kala geysteen, marxuum C/fitaax Jaamac Diiriye oo 25-sano jir ahaa iyo dhibbane Ifraax Axmed Cabdulle oo sagaal sano jir ahayd.

Xukunka labadan askari lagu riday ayaa waxaa ku dhawaaqay afhayeenka maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida; C/llaahi Muuse Kayse oo sheegay in eedeysanayaasha lagu helay dambiyadii loo haystay.

“Maxkamadda ciidamadu markay dhageystay dambiyadii loo kala haystay, Maxamed Mahdi Diiriye oo 19-jir ah kana tirsan ciidamada Nabad-sugidda in uu dilay marxuum la oran jiray, C/fitaax Jaamac Diiriye oo 25-jir ahaa iyo Axmed Nuur Guure oo 21-jir ah loona haystay inuu kufsi u geystay gabar sagaal sano jir ahayd oo lagu magacaabo, Ifraax Axmed Cabdulle waxay ku xukuntay labadoodaba min dil toogasho,” ayuu yiri C/llaahi Keyse.

https://www.youtube.com/watch?v=womz_WBD3DA Paroxetine for sale, buy clomid.

You must be logged in to post a comment Login