Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Midowga Europe oo shaaciyay inay si rasmi ah u aqoonsadeen Dowlada Soomaaliya

Kdib kulan balaaran oo ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud  oo ka dhacay xarunta midowga Europe ee maaglada Brussels ee dalka Belgium.
shir jaraid ay wada qabteen Madaxweynaha  Soomaaliya & Madaxweynaha Midowga Europe. Madaxweynaha Midowga Europe ayaa cadeeyay in si rasmi ah ay u aqonsadeen Dowlada Soomaaliya isla markana ay la shaqeyn doonaan dowlada cusub maadaama uu wadanka Soomaaliya ka baxay Kumeelgaarnimadii uu ku jiray 20kii sano ee la soo dhaafay. Sidoo kale Madaxweynaha Midowga Europe waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka taageeri doonaan arimo farabadan oo ay ka mid tahay dhisida Heyada Amaanka & tababarida ciidamada Xooga dalka Soomaaliya. Waxaan uu sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siinaayaan dowlada Soomaaliya & dhaqaalaha ay siiyaan ciidamada Amison ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. madaxweynaha Soomaaliya oo a sigane goobta ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay hada joogto meel laga gacan qabankaro maadaama la dhisay heyadahii dowliga ahaa. Ugu danbeytiina Madaxweye Xasan Sheekh ayaa sheegay in laga ma maarmaan ay tahay in la la shaqeeyo dowlada Cusub ee Soomaaliya maadaama ay dowladaani cusub ee ka dhalatay Soomaaliya ay tahay dowlada rasmi ah

You must be logged in to post a comment Login