Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: 8 Qof oo ku Dhintay Shil Baabuur oo ka dhacey inta u dhexeysa Hargeysa iyo Gebilay

Sideed Qof ayaa ku dhintay toddoba kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen saddex gaadhi duleedka magaalada Arabsiyo oo u dhexeysa Hargeysa iyo Gebilay.
Shilkan ayaa ka dhex dhacey laba gaari oo xamuul ah iyo gaari noca bulshadu adegsato oo xiligaa ay saarnaayeen dad rakab ah.
Dadka dhintay ayaa waxaa lasoo sheegayaa in sedex kamid ah ay haween yihiin, sedexna ay caruur yihiin halka labada kale ay yihiin Rag, sidoo kale dadka dhaawacmay ayaa dhaawacooda ayaa iyaguna xiligaan ladabiibaya.
Goobta uu shilku ka dhacay ayaa waxaa garey maamulka Gebilay oo uu hor kacayo guddoomiyaha magaaladda Gebilay.

Guddoomiyaha Gebilay Yuusuf Ibraahin Geeddi oo warbaahinta lahadley ayaa sheegay in shilkaan uu ahaa mashqo
asiga oo ugu baaqey wadayaasha gawaridda ku safraya jidka Gebilay inay si taxader iyo masuuliyed ay ku dhehantahy uwadaan gawaarida maadama jidka uu cariiri yahay isagona intaa ku darey cidii ka dhaga adegta in sharciga lala tigsan doono.
Shilkaan ayaa noqonaya kii ugu khasaraha badna muddi danbe ee ka dhaca deegaanada uu maamulo maamulka Soomaaliland.

You must be logged in to post a comment Login