Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Inaali laahi wa Inaa ilayhi raajicuun
Safiirka Soomaaliye u Fadhiya Dalka Kenya Amb Maxamed Cali Americo ayaa Tacsi Tiiraanyo leh u Diray Shacabka Soomaaliyee iyo Dowladda Soomaaliya Geeridii Naxdinta lahayd ee ku Timid Allaha U Naxariistee Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Dalka Koofur Afrika Sayid Shariif oo Xalay Ku geeriyooday Dalkaas.
Safiirka oo la Hadlayay Warbaahinta ayaa Waxa uu Tacsi Tiiraanyo leh u diray Eheladii iyo Qaraabadii uu ka Baxay Safiirka gaar ahaan Caruurtii iyo Xaasaskii uu Ifka ugu tagay.
Safiirka ayaa sheegay in uu Muuqday Waxqabadka Safiirka Geeriyooday Allaha Unaxariiste ee ahaa wax u qabtay Ummadda Soomaaliyeed ee ku Nool Dalkaas Koofur Afrika.
You must be logged in to post a comment Login